

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa la aasaasay kadib markii ay Soomaaliya qaadatay Xornimadaa 1960kii si ay u qaabayso Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga. Wakhti dheer, Soomaaliya waxay Siyaasaddeed Arrimaha Dibadda ku salaysnayd horumarinta wadanoolaansho nabad leh., in la ixtiraamo madaxbannnaanida Iyo qadaarinta dhulalka kale iyo xafidaada amniga qaranka, ku xasilinta khilaafaadka si nabad leh, iyo ayadoo la faragashan arrimaha wadanada kale, aan la is-bahaysan, danta qaranka iyo ku dhaqanka xeerarka Qaramada midooway iyo Midowga Afrika. Soomaaliya hadda waxy ku guda jiraa siyaasad dhaqan-celin iyo himladeen "istaraatajigeena" waxay ku xiran tahay tiirarak dibolamaasiyadeed ee dhaqaalaha, dibolomaasiyada nabadda, dibolomaasiyada deegaanka iyo dibolomaasiyada qurba-joogta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay u xilsaaran tahay Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Iyo Xiriirka Caalamiga ayadoo la tixraacayo, sidaasna dib uhabayn ay ugu sameeyeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed 1dii Juulaayo, 1960.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay idin ku soo-dhawaynaysaa gacmo-furan bulshada caalamka iyo dadka matalaya ee u soogalaya Soomaaliya.
ARAGTIDEENA
Nabadgelyo, Midnimo iyo Barwaaqo taasoo si buuxda uga qabqaata cadaalad iyo adduun siman.
ERGEDEENA
In la tixraaco danaha iyo qiimaha dadka Soomaaliyeed, kuwa ku nool Afrika ayadoo la isticmaalayo isku-mashquulin dibolomaasiyadeed.